Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay Inuu Ka Xumaaday Sidii Xilka Looga Qaaday Wasiirkii Hore Ee Biyaha

(SL.Post) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ahna mushaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID, ayaa sheegay inay dad badan oo Somaliland wax u soo qabtay oo ahayd in la maamuso inay dayacmeen, waxaanu tusaale u soo qaatay ALLE ha u naxariiste Fagadhe oo indho beelay, Prof: Gees oo dhego baleey iyo Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe oo uu tilmaamay inuu qayb libaax leh ka qaatay nabadaynta iyo gogol xaadhka beeshiisa in si yar oo fudud xilka looga qaaday.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlaya Munaasibad lagu soo bandhigay Buug uu qoray Prof: Maxamed Siciid Gees, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan“Anigu waxan la tirtirayo ma aqaane, nin qudhuun baan salaamaya, Suldaanka oo qudha ayaan salaamaya, aad baan ugu faraxsan nahay inuu Suldaan Siciid joogo, waxay taasi ina tusaysaa inay Somaliland midoobayso, waa caalamad fiican, insha allaah Prof:Cali Khaliifna ta dambe ayuu ka soo qayb gali doonaa”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey buugan uu Prof:Gees qoray wuxuu yidhi “Intii loo mahadnaqay ee Buuga wax ka qabatay ilmaamtiyaashay ayey ahaayeen, halkaasi waxay ku tusaysaa Cabdiraxmaan iyo Muuse Biixi in aanay waxba u oolin”.

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey qaabkii loo eryey Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe iyo waxtarkiisi iyo dad magaca ku lahaa Somaliland oo uu sheegay in aan waxba loo qaban ayaa yidhi “Somaliland nanaysteeda ayaan idin sheegaya hoos baan u odhan jiraye, caawa waa habeen wanaagsan ee waxaan u bixiyey Gentalman dila, nin wanaagsan oo xishoonaya iyo inan wanaagsan wey ku dhimatay, Ragga wadanka wax ka qabtay waxa ka mid ah ILLAAHAY ha u naxariiste marxuumkii la odhan jiray Fagadhe, Fagadhe oo inagu dhego baleey, oo Kulmiye ku xigeen ah, ayaa haddana indhihii ku dhufteen,Rayaale ayaan u tagay oo ku idhi waar Rayaale Madaxweyne, maanta wuu inagu dhego beelay ee yaanu inagu indho beeline ha la soo dhaweeyo, wuu inaga ogolaaday oo waa markii uu  ka dhigay Safiirka Faransiiska, maantana waxa inagu dhego beelay Gees, horta sidaas ayeynu nahayoo, dadka inta sidii Koka intaynu ka muudsano, ayeynu tuurnaa,yaa u dambeeyey oo la tuuray Wasiirkii Biyaha ee Baashe ee nabada ka soo shaqeeyey , ayaa kii u dambeeyey ee la tuuray ah, waa inaynu dadka wax tara aynu xasuusanaa, wax tarnaa, meeqaankooda siina,  Gees buugiisu uma baahna in la isku qasbee wuxuu noqonayaa buuga ugu iibka wanaagsan, oo halkaas ayaa loo taagan yahay, Habaryartayna oo iga bixin jirtayna abaar baa ku dhacdoo, aniguna konton baa qaaday, Saddexda Xisbi uma  sinee ee anigu aad ii jecel yahay oo wuu qarsanayaa, haddii aanu soo baxno insha alaahu tacaala waxaan doonayaa buugiisa in Iskuulada lagu dhigo.

 

Somalilandpost.net