Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo sheegay inay soo Buuxinayaan kuraasida golaha Wakiillada ee Xildhibaannada Xisbigiisa ka digo-rogtay

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku wargeliyey xildhibaannadii Golaha ugu jiray Xisbigaas ee dhawaan ku biiray ururka Cusub ee Waddani inay soo kala caddeeyaan jiritaanka go’aankooda si xisbigu u soo buuxiyo kuraasida golaha ee Xisbigiisa.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Faysal oo lagu taxay magacyada xildhibaannada wargelintu ku socota ayaa u dhignaa sidan:

“Anagoo tixraacayna dhawaaqi ka soo yeedhay Gudomiyaha  Golaha Wakiilada Mudane:Abdirahmaan  Mohamed Abdilahi  (Ciro) 06/10/11 kaas oo uu kaga dhawaaqay magacyadiina Hotel mansoor isagoo sheegaya in aad ka baxday xisbigii UCID ee  aad ku matalayseen magaciisa Golaha wakiilada kuna biirteen urur aan jirin, wakiilana  aan ku lahayn Golaha wakiilada.

Sidaa daraadeed  mudanayaal: waxaanu si sharaf le idiinka codsanaynaa in aad si rasmi ah u soo cadaysaan arintaas si aan u soo badalalno jagooyinkaas  ama aad u beenisaan arinkaas si  rasmi ah ugu dambayn bishan 13 OCT 2011.

Magacyada Xildhibaannada

Bashiir X.Xusein Tukaale, Xaashi Xusien Caabi,  Xusien Maxamed Cige, Ibraahim Mahadi Buuba,         C/Qaadir Askar Hassan,  Mahdi C/Laahi Maxamoud,  Maxamed Baaruud Shide,   faarax Maxmoud Cabdule,  Saciid Maxamed Cilmi,  Maxamed Faarax Qabile,  Muuse Maxamed Ismail, Maxamed Jamac Cali Guled,  Jamac  Xasan Adan, Naasir X.Cali Shire,  A/Laahi Axmed  Yousuf,   Abdirahmaan Cismaan Caalin”

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net