Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Dhaliilo u jeediyey Madaxweyneyaasha Djibouti iyo Somalia

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ku eedeeyay in aanu dhex ka ahayn wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu sheegay in aanay marnaba aqbalaynin in waddanka Jabuuti lagu qabto wada-hadallada.

Guddoomiye Faysal, waxa uu dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku dhaliilay Sawir uu la galay Kornayl Tuke oo Maxkamad Maraykanka ku taal ku heshay inuu xilligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre Dad Rayid ah ku dilay Magaalada Gabiley ee Somaliland.

“Markii hore wuxuu xooggiisa saaray inuu Somaliland Curyaamiyo isagoon lahayn awood uu ku curyaamiyo, Maantana Tuke oo Dadka Nolosha ku gubayey (Inuu Farmaajo Sawir la soo galo) waxay ina tusaysaa laba Arrimood, ta koowaad waxa weeyaan innaga ayuu innagu dheel-dheelayaa oo uu leeyahay waxaad tihiin ma jirto, ta labaad, wuxuu ku dheel-dheelayaa Raggii isagoo 21 Maalmood joogay doortay ee yidhi Madaxweyne noqo, kuwaasi oo uu haddana Shalay u diidayey inay Kismaayo tagaan, markaa Dadka aan jirin waa labadeenaa qolo, Dadkeenii baa la xasuuqay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta u warramay HCTV, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Farmaajo, naftii Siyaad Barre ayaa gashay, wuxuu leeyahay waanu soo noqonay oo waanu idin ciqaabi doonaa”.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Faysal Cali Waraabe oo intan ka faahfaahsan