Guddoomiyaha Xisbiga Kulmye oo faahfaahiyey Natiijada Shir Xisbiyada Dimuqraaddiga ah ugu Qabsoomay Waddanka Marooko

Muuse Biixi oo luqad Adag ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu uga digay faro-gelin siyaasadeed  oo uu ku wado SomalilandHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada shir Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee dalalka Afrika ugu qabsoomay waddanka Marooko ee Woqooyiga Qaaradda Afrika.

Guddoomiya Muuse Biixi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay oo madaarka magaalada Hargeysa kula hadlay warbaabinta, waxa uu sheegay inay shirkaas isugu yimaaddeen Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee ka jira 24 waddan oo Qaaradda Afrika iyo hay’ado ka socday baarlamaannada waddamada Qaaradda Yurub.

HALKAN KA DAAWO GUDDOOMIYHA