Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley

Tog-Wajaale, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo masuulliyiinta xisbiga, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Tog-wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Eithiopia.

Guddoomiyaha KULMIYE oo saaka ka ambabaxay magaalada Gabiley oo uu xalay u hoyday, ayaa tegay magaalada Wajaale oo ah magaalo ganacsi badan laga abuuray, waxaana weftigu soo dhawayn aad u ballaadhan kala kulmeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha iyo dadweynaha degmada.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo fagaaraha Khayriyadda khudbad uga jeediyay dadweynaha reer Wajaale, waxa uu kaga jawaabay cabashooyin iyo tabasho badan oo dadweynaha iyo deegaanka Wajaale u jeediyeen xisbiga KULMIYE, isaggoo ka jawaabaya cabashooyinkaas waxa uu yidhi, “Wixii farriin ah oo si walba loo dhigay, farriintaas waanu qaadnay. Waxaan raacinayaa farriintaa aad KULMIYE ku dirteen qofkastaa ilmihiisa curad wixii uu ka baylihiyo wuu u dulqaataa markaa Wajaale waxan leeyahay KULMIYE idinkaa dhalay oo waa ilmihiinnii curad, dawladdana ay keeneen waa kii labaad,  Markaa wixii halkaa idinkaga baylaha, waa ilmihiinii oo cannaanteeda oo sammirkeeda wuu leeyahay wax halkaa idinkaga baylaha oo aad cid kale u daba fadhiisan doontaan, farriintana sideedaanu u qaadanay.”

Guddoomiye Muuse waxa uu intaa raaciyay oo yidhi,  “Waxaannan Ilaahay ka baryayaa inaanan halkan ku soo noqon annagoo leh farriin baanu qaadaynaaye wixii Wajaale doonaysay wax ma  ka qabanay. Wajaale waxna Somaliland oo dhan bay la qabtaa, oo iskuullada lacagta la dhimmay, mushaharka la kordhiya waa mid qaybtiina aad hesheen. Waxyaalaha idiin gaarka ahna sidoodaynu u daa.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay ujeedada safarkiisa, “Socdaalkayaga wuxuu ahaa inaanu halkan nimaadno oo shaqadii aad noo igmateen idiinka waranno, haddii ilmuhu xoolaha raaco oo halleeyo waa la uleeyaa ee lama dilo, markaa waxaad wax naga weydiisaan, waxaan ognahay inaydaan na dilayn ee aad na ulaynaysaan.

“Xoolihii aad noo dirteen haddii ay ammaan tahay iyo hadanu ul ku mudanayba diyaar baannu u nahay, iyadoo intaasoo cannaan ah loo jeediyay waxaannu idiinku nimi doorashadii deegaanka.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe oo madasha soo dhawaynta ka hadlay, ayaa u mahadceliyay dadweynaha reer Tog-wajaale sida ay u soo dhaweeyaan weftiga Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisu waxay maanta gelinkii danbe ku laabteen caasimadda Hargeysa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net