Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Shacabka ku Hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-Fidriga

muuse biixiHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo ku hadlaya dhammaan magaciisa iyo guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga, ayaa shacbiga Somaliland iyo dhammaan Muslimiinta Adduunka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-fidriga oo maalinta Berri ah ku beegan.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo xambaarsan dhambaal hambalyo ah oo uu shacabka ugu diray munaasibadda Ciidal-Fidriga, waxaanu dhammaantood u rajeeyey Eebbe inuu ka aqbalo Cibaadadii iyo Soonkii ay soo guteen Bishan Ramadan.

“Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, Gudida fulinta, Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL FIDRIGA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah,

wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo,” ayuu Guddoomiyuhu ku yidhi War-saxaafadeeda uu caawa soo saaray.

SOMALILANDPOST.NET