Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Kordhiyeen Ergadii Shirweynaha Maalmo Gudahoodna Ku Qabsanayaan Shirka

Hargeysa(SLPOST) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa faah faahin ka bixiyay halkay wax u marayaan guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga. Guddoomiye Muuse Biixi wuxuu sabab uga dhigay culaysyada laga dareemaayo qabsoomida shirka.

bbbbixx

Isagoo ku sifeeyay inay sabab u tahay Xisbiyada tirada badan ee Xisbiga ku soo biiray, kuwaas oo ay kamid ahayeen ururadii tartanka ku hadhay, iyo Xisbigii UDUB ee saxada ka baxay, sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay inay kala hufayeen qaababka saami qaybsiga bulshada, oo ka kooban Haweenka, Qurbajooga dadkii hore xisbiga ugu jiray.

Geesta kale Mud: Muuse Biixi Cabdi kumuu darin hadalkiisa ku daray  goorta ama maalinta shirweynuhu qabsoomi doono, wuxuuse cadeeyay inuu kordhiyay 221 Ergay, kuwaas oo ay ku jiraan Ergada kaydka ah, wuxuuna niyad samaan ka muujiyay inay badi dhammaadeen cabashooyinkii waxa hadhayna xaal xaal uun ahaa, iyadoo la dhameeyay saamiga gobolka kasta ka imanaya, fulintana la dhameeyay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland