Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Dalka ka Soo Laabtay, kana Xog-warramay Shir uu kaga Qayb-galay Dalka Ivory Coast

Guddoomiyaha Kulmiye

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu Wadanka Ivory Coast uu kaga qayb galay Shir balaadhan oo ay ka qayb galeen Xisbiyada Dimuquraadiga ah ee Afrika.

Gudoomiyaha Waxaa ku soo dhaweeyay Madaarka Magaalada Berbera,Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil , ka degmada Berbera iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka xog-warramay ujeeddada socdaalka uu ku tagay dalka Ivory Coast oo uu sheegay in lagu marti-qaaday shirweyne ay dalkaas ku yeesheen Xisbiga Qaaradda Afrika ee Dimuqraaddiga ah oo ku bahoobay Gole-weyne lagu magacaabo African Liberal Democratic Parties.

Md Muuse Biixi oo ka hadlayey natiijada xisbi ahaan uga soo hoyatay ka-qayb-galka shirkaas, waxa uu sheegay in laga aqbalay xubinimada ururka isla markaana muddo hal sanno ah fursad loo siiyey in lagu qiimeeyo shuruudo lagu xidhay xubinnimadiisa, gaar ahana dhinacyada Dimuqraadiyadda, siyaasadda Furfuran, Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bani’aadamka.

Guddoomiye Muuse waxa uu sheegay in Shirka Xisbigiisa lagu casuumay qayb ka yahay qorshe cusub oo lagu kobcinayo qaab-dhismeedka xisbiyada Caalamka, kaas oo ay maalgelinayo urur lagu magacaabo Westminster Liberal Democrats Foundation oo Xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dhinaca kale Waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi hambalyo u diray Guud ahaan Shacabka Somaliland farxada iyo Dabaal dega Munaasibada Ciidal Adxa .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net