Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Canaan u jeediyey Beesha Caalamka

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Beesha Caalamka ku Edeeyay inay dulmi ku hayaan muwaadiniinta Somaliland oo qayb wayn ka qaadatay nabad-galyada Caalamku ku dagan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo maanta hadal ka jeediyey shir waynihii 4-aad ee Golaha dhexe oo lagu qabtay Huteelka maan-soor ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in Somaliland tahay waddanka kaliya ee aan la Ictiraafin muwaadiniintiisuna aan lahayn Baasaboor taas oo uu ku tilmaamay nasiib-daro, waxaanu yidhi. “Somaliland waa waddanka kaliya ee aan la Ictiraafsanayn ee muwaadiniintiisu ay Baasaboor lahayn ee markay Madaaradda ka dagaan waxa layidhaahdaa maxaad ahaydeen. Nasiib daro Caalamku dulimiga uu ku hayo Somaliland qaybta ugu wayn ayay ka qaadatay nabad-galyada Caalamku ku dagan yahay oo madaqadan waxay ka ilaalisay wixii nabad-galyada adduunka oo dhan  wax u gaysanaaya, hase yeeshe Caalamku abaalkooda may siin,”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Kulmiye Golaha DhexeGuddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi,  “Baarlamaankii Muqdisho 1990-kii waxa uu ahaa 177 xubnood. Somaliland waxay ku lahayd 17, waana 9%. Xukuumaddii ka dhisnay Muqdisho 1990-kii waxay ahayd 56 xubnood. Somaliland waxay ku lahayd 7 xubnood, waana 12%. Xisbiga Kulmiye Madaxdiisa iyo Golayaashiisa waxay goob joog u ahaayeen dulmigaas , waana kuwii dib u soo celiyey Qaranimadii  laga dhacay Somaliland. Kulmiye Qaranimada Somaliland waxa uu ku ilaalinayaa feker iyo hadaf dheer oo ay kow ka tahay inuu nabad ka islaaxiyo Geeska Afrika iyo inuu is kaashi Siyaasadeed iyo dhaqaale la yeesho waddamada dariska ah ee ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Dawladaha Carbeed ee ay Badu naga dhaxayso.”

Somalilandpost.net/Hargeysa