Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Caawa ku dhawaaqay Guddiga Fulinta ee Xisbigaas (Akhriso liiska)

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa caawa magacaabay Xubnaha Guddiga fulinta ee xisbigaas oo ka kooban 36 xubnood, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed mar dhowayd ka soo baxay xarunta xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

news1War-saxaafadeedkaas, ayaa u qornaa sidan: “ Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 24aad iyo Qodobka 32aad ee Dastuurka xisbiga, wuxuu magacaabay Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo kala ah:-

1. Dr. Xuseen Maxamed Xoog

2.Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

3.Eng. Cabdiqaadir Iiman

4.Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)

5.Bulbul Cabdi Madoobe

6.Axmed Cabdi Xuseen

7.Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

8.Carab Nuur Xandule

9.Fu’aad Aadan Cadde

10. Garayaqaan Maxamed Jaamac

11.Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)

12.Jaamac maaxamuud Cigaal

13.Shariif Abokor Dhuux-yare

14.Cabdinajax Siyaad Cabdi

15.Maxamed Cabdi Iskeerse

16.Canab Cumar Ileeye

17.Maxamed Faarax Xirsi

18.Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye

19.Baashe Yuusuf Axmed

20.Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa

21.Dr. Axmed Cumar Maax

22.Ilhaan Maxamed Jaamac

23.Ibraahin Aadan Qaalib

24.Axmed Xuseen Oomane

25.Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)

26.Mahdi Xuseen Caddare

27.Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi

28.Prof. Cabdi Cali Jaamac

29.Sahal Cali Cartan

30.Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)

31.Cali Siciid Raygal

32.Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)

33.Axmed Aw Cabdi Shaacir

34.Dalays Shire Faarax

35.Aniisa Nuur Cigaal

36.Sahra Maxamed Xuseen(Basbaaso).”

Go’aanka Guddoomiyaha Kulmiye ku shaaciyey Liiska Guddiga Fulinta ee Xisbiga, ayaa ka dambeeyey go’aamo todobaadkan gudihiisa ay shir-guddoonka Shirweynihii Kulmiye ku shaaciyeen Laba liis oo ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo hoggaanka xisbiguna ku tilmaameen sharci-darro aan waafaqsanayn xeerka xisbiga iyo go’aamadii ka soo baxay Shirweynaha xisbiga, halka xubnaha Shirguddoonkuna ay ku doodeen inay dariiq sharci ah u mareen shaacinta liisaskaas.

 

SOMALILANDPOST.NET