Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo bogaadiyey Shirka AF-GARAD 3 ee ka socda Degmada Baligudbadle

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey Shirka AFGARAD 3 ee ka socda degmada Baligubadle.

muuse biixiGuddoomiyaha Xisbiga KUlmiye, waxa uu Beesha gobolka Hawd u rejayeeyey in go’aamo anfax iyo wax-tar u leh dalka iyo dadka ka soo bixi doonaan Shirkaas.

War-saxaafadeed kooban oo sumaddduusu tahay REF: XK/GX/004127/2014 oo maanta ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha, ayaa u qornaa sidan: “Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa shirka afgarad saddex ee ka qabsoobay magaalada balay gubadle ee xarunta gobolka hawd waxaan rajaynayaa inuu ku dhamaado bashbash iyo barwaaqo waxaan kaloon u rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan go,aamo anfaca diinta, dalka iyo dadkaba .

Mud. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye