Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo Tacsi udiraaya Geeridii ku timi Maxamud Aw Siciid

Hargaysa(SLpost) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay MARXUUM MAXAMUUD AW SICIID GEEDI oo ku
MUUSE
geeriyooday shil gaadhi oo 19/11/2013 ka dhacay duleedka Galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxaannu si gaar ah tasi tiiraanyo leh ugu dirayaa Ganacsade Maxamed Siciid Geedi oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen.
Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska, qaraabada iyo ehelada ay ka baxeen Marxuumiinada kale ee ku dhintay shilkaasi naxdinta leh, isagoo dhammaantood Ilaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, inta ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.
Somalilandpost.net
Hargaysa