Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Damiin Lagu Sii Daayay, Iskana Fogeeyay Eedihii Loo Xidhay

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa maanta xabsiga laga sii daayay, ka dib markii uu muddo saddex todobaad ah ku xidhnaa Hargeysa.HRC

Guuleed Axmed Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu weli yahay eedaysana, balse aanay sii-dayntiisu ka turjumayn in kiiskii loo xidhay ka jabay, maadaama oo lagu sii daayay damaanad sida ay timaameen qareennadiisu.

Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah kala kulmin xabsiga dhexdiisa muddadii uu xidhnaa, balse waxa uu xusay Guuleed in meelo kala duwan lagu xidhay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in eedaymaha loo jeediyay ee lagu xidhay aanay ahayn kuwa jira, maadaama sida uu tilmaamay aanu ka hadal wax ka baxsan waxyaabaha qabo dastuurku Somaliland, ururkiisuna u dooddo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda qofkasta oo muwaadin ah.

Guuleed Axmed Jaamac ayaa muddadii uu xabsiga ku jiray xilliyo ka mid ah ka soomay cuntada. Somalilandpost.net