Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Faahfaahin ka bixiyey tirada Arday Imtixaan ugu jira Deeq Waxbarasho, tirada la rabo iyo waajibaadka uu Ardaygu ku soo bixi karo

Hargeysa, 07 April, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Gudida Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa maanta cadeeyay inay xafiis ahaan ku hawlan yihiin  imtixaan ay ku kala saarayaan  arday tiradoodu gaadhayso 243, kuwaas oo laga doonayo inay soo baxaan afartameeyo arday oo deeq waxbarasho ku tegi doona dalka Suudaan.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in si adag loo qaabeeyey qaadista imtixaanaadka lagu kala saarayo ardaydaas, isla markaana ay goob joog noqon doonaan macalimiin ka socota dalka Suudaan, waxa uu Gudoomiyuhu xusay in qaybaha la doonayo inay imtixaankan u fadhiistaan ay kala qaybsan yihiin culuunta Caafimaadka, Injineeriyada, IT, Education iyo Arts, Sharciga, Shareecada iyo Dhaqaalaha.

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax waxaa kale oo uu sheegay in arday kasta looga baahan yahay inuu ku gudbo Todoba maaddo, imtixaankana lagu soo saxi doono Dalka Suudaan.

Waa markii labaad ee arday Somaliland ahi ay tartan u galaan helitaanka deeq waxbarasho oo ay jaamacadaha Sudan u fidiyeen Ardayda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net