Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-banaan ee Saxafi oo Weli u Xidhan Xarunta Dambi-baadhista ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-  Guddoomiyihi Wargeyska madaxa bannaan ee Saxafi  Cabdifataax Maxamud Caydiid, ayaa weli ku xidhan xarunta ciidamada Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ka dib markii xalay wakhtiyo dambe ay Ciidamada ammaanku uga soo xidheen isaga oo ku sugan xarunta Wargeyska oo ay Khasab ku galeen.

Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi ayaa lagu xidhay amar ka soo baxay Taliyaha ciidamada Sirdoonka Qaranka, Ilaa haddana ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xadhiga Wariyahan, balse waxa la sheegay in Wargeyska Saxafi dawladdu ku haysato baahinta war ku saabsan dad ajaanib ah oo Somaliland u imanayey arrimo amaanka la xidhiidha.

Xadhigga Wariyahan waxa cambaareeyay ururrada saxaafada Somaliland oo tilmaameen in xadhiga Wariyahani muujinayo sida xukuumaddu ay weli uga go’antahay  cabudhinta xoriyatul qowlka isla-markaana ay uga dambqaynayso baahinta wararka xaqiiqda ah iyo gol-daloolooyinkeeda.

Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku caan baxday la-dagaalanka xoriytal-qawl iyo warbaahinta madaxa bannaan, iyada oo wariyeyaasha xorriyaddooda looga qaado sifo sharci-darro ah isla markaana aan marka hore loo soo jarin waaran maxkamadeed oo khusaysa dacwadda loo haysto.

Xukuumadda haatan ayaa markii u horreysay mar kaliya xabsiga u taxaabtay labaatan wariye, taas oo ka dhigaysa markii u horreysa ee taariikhda Somaliland isku mar xorriyadda laga qaado war-fidiyeenno tiradaas le’eg, waxaana arrintan cambaareeyey ururrada Warbaahinta ee Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net