Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF, Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo mar kale Xabsiga loo Taxaabay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa mar kale maanta xabsiga loo taxaabay abaaro 11:30 duhurnimo, kadib markii ay maxkamadda gobolka Hargeysa ay tageen isaga iyo xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, kuwaas oo ujeedada ay maxkamada u tageen la xidhiidhay mudaynta Kiiskii Haatuf iyo Xukuumada ka dhaxeeyey.

Yuusuf GaboobeXoghayaha Ururka SOLJA Maxamed Rarashiid oo warkan noo xaqiijiyey, ayaa sheegay in isaga iyo gudoomiyaha Haatuf ay maxkamada maanta u tageen si loo mudeeyo xiliga ay bilaabmayso dacwada loo haysto Masuuliyiinta Haatuf iyo Garsoorihii dacwadaasi gacanta ku hayey oo ay masuuliyiinta Haatuf hore u dureensi habka uu uga garnaqayo dacwada Haatuf kaas oo ay codsadeen in laga badalo.

Xoghayaha SOLJA waxa uu intaasi ku daray intii ay hawshaasi mudaynta maxkamada iyo garsoore beddelka ay ku jireen oo ay kala hadlayeen gudoomiyaha maxkamada gobolka uu garsoorihii gacanta ku hayey dacwada Haatuf qoray waaran qabasho ah oo lagu qabanayo Yuusuf Cabdi Gaboobe, taasina ay sababtay in ciidamadii goobta joogay ay ku qabteen gudoomiyaha Haatuf gudaha Maxkamada loona dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Hargeysa.

Bishii May 10-keeda ayay ahayd markii sidan oo kale guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargayskaasi Axmed Cali Cige oo si xor ah u tagay maxkamada ay si qaflad ah u qabteen ciidamadii bileyska ee la soo dhoobay kuwaas oo u dhaadhiciyey xabsiga Hargeysa laba habeen kadibna loo dhaadhiciyey jeelka degmada Gabiley oo ay ku jireen mudo 17 cisho, balse markii dambe Damiin ahaan looga soo dayay Xabsiga Magaaladda Gabiley. Tifafatiraha Wargeyska Axmed Cali Cigge iyo Guddoomiyaha ayaa mar ay Warbaahinta la hadleen laba Todobaad ka hor waxay sheegeen in Dacwadda loo haysto aanay ka qayb-galayn ilaa ay helaan Maxkamadda Cadaaladda ah iyo in Dacwadoodda loo maro Xeerka Saxaafadda.

Wargeyska Haatuf ayaa ilaa hadda u Xayiran warar musuq-maasuq ah oo uu ka baahiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo uu wargeysku sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku kacay fadeexaddo Musuq-maasuq.

SOMALILANDPOST.NET