Guddoomiyaha Wakiillada oo iftiimiyay xidhiidh ka dhexeeya khilaafka UCID iyo hanjabaada UDUB ee beddelaadda Shir-guddoonka Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo safar shaqo dibadda ugu maqnaa muddo laba todobaad ku dhow ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro iyo wefti uu hoggaaminayay oo lagu marti-qaaday doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Dalka Norway, waxa uu sheegay in safarkooda Norway si rasmi ah loogu marti-qaaday isaga iyo dhowr xubnood oo ay ku jiraan qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Egal International Airport, waxa uu sidoo kale ka hadalay aragtidiisa la xidhiidha hadal ka soo yeedhay Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Mr. Cali-guray oo ku dooday inay mucaarad ahaan ka hawl-gali doonaan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen shir-guddoonka Golaha Wakillada.

Guddoomiyaha oo ugu horreyn ka hadlaya natiijada iyo midho-dhalka safarkooda ayaa yidhi, “Safarkaasi aanu ku tagnay waddanka Norway waxa uu ahaa mid  Golaha Wakiiilada iyo Komishanka Doorashooyinka ay  marti-qaad kaga heleen wadanka Norway, kaas oo ka dhashay safar uu hore Wadanka ugu yimi Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibada ee Norway. Safarka aanu annagu halkaasi ku tagnay waxa uu lahaa saddex ujeedo oo kala ahaa; in aanu ka qayb galno Siminaarro caalamiya oo halkaasi ka dhacay iyo kan labaad oo ahaa inaan kulan la yeelano masuuliyiinta waddankaasi, waxaana aanu la kulanay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibada, Baarlamaanka, xarunta xuquuqda aadamaha. Arinta saddexaadna waxay ahayd in aanu Goob joog ka noqdno Doorashooyinkii ka dhacay wadankaasi.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyay sida uu u arko hanjabaaddii Xisbiga UDUB ee ahayd inay meesha ka saari doonaan shir-guddoonka wakiillada, waxa uu ku jawaabay, “Horta shir-gudsoonka mar horena waa laysku dayey in la rido, markaa ciddii r-di karaysaa, hayska soo diyaar garowdo. Ta labaad anigu Cali Guray waxaan ku ogaa afhayeenka UDUB, markaa arinka UCID inuu soo dhex galo in aanay haboonayn ayey ila tahay.”

Soo-laabashada guddoomiyaha Wakiillada ayaa ku soo beegantay wakhti uu isla maanta bilowday kalfadhigii 16 ee golaha Wakiillada Somaliland oo ay horyaallaan ajandayaal iyo xeerar muddo badan la sugayay ambo-qaadkood.

SP News Desk

Contact@somalilandpost.net