Guddoomiyaha Wakiillada iyo Wasiirul-Dawlaha Khaarajiga Somaliland oo lagu soo dhaweeyey Aqalka Baarlamanka Ingiriiska

London, (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo Wasiiru dawlada Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa lagu soo dhaweeyey Aqalka Baarlamanka Ingiriiska.

Guddoomiyaha iyo Wasiirku waxa la kulmeen Xildhibaanno uu Hogaaminayo Alen Michal oo ah Mundane laga soo doorto magaalada Cardif  isla markaana ah xubin firfircoon oo inta badan u ololeeya qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland.
Weftiga uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Wakiillada iyo Wasiiru dawlaha Arimaha Dibaddu waxa ay uga warameen xaalada guud ee ay Somaliland ku sugan tahay wakhtigan xaadirka ah iyo arrimaha kusoo fool leh ee doorashada degaanka ee sannadka soo la filaayo inay Somaliland ka qabsoonto.

Waxa kale oo ay mahadnaq usoo jeediyeen Xildhibaanada aad xilka weyn isaga saara arimaha Somaliland oo ay sheegeen in Shacabka reer Somaliland ay kawar qabaan oo aanay ilaawi doonin dedaalka ay ku jiraan.
Intaas ka dib waxa Xildhibaanada uu hogaaminaayo Alun Michael ay aad ugu mahad naqeen waftiga Somaliland, Waxa Xildhibaan Alun Michael uga waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin In Ururka Barwaaqa Sooranka (Commonwealth) oo dhawaan la filaayo inuu shir u qabsoomo ay Somaliland ka soo qayb gali doonto waxaanu xildhibaan Alun Micheal Sheegay inay uga soo qayb galayaan sidii Goob joognimo, madaama aanay Somaliland adduunka Ictiraafin ka haysan. Waxa kale oo uu rajo ka muujiyey in ay tahay fursad qaali ah oo Somaliland ay heshay,isaga oo weliba xusay in madax badan oo ka tirsan ururka Barwaaqo-sooranka (Commonwealth) oo shirka ka qayb-galayaa ay ka war qabaan arrimaha Somaliland.
Alun Micheal waxa kale uu xarunta baarlamanka ka soo jeediyey in sare loo qaado horumarinta Barlamaanka Somaliland dhinac kastaba, loona fududeeyo arrimaha ay u baahan yihiin iyo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo dalkan Ingiriiska.
Kulankan ka dhacay Aqalka Barlamaanka Ingiriisku waxa uu ahaa mid Alun Micheal oo ah Xildhibaan u ololeeya Qadiyada Somaliland uu aad ugu faraxsanaa kulankan uu la yeeshay madaxda Somaliland waxa uuna kusoo dhaweeyey si farxadi ku dheehan tahay.

Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com