Guddoomiyaha UCID Oo Shir Caalami Ah Kaga Qaybgalaya Dalka Jarmalka

Berlin, (SLpost)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shir caalami ah kaga qayb geli doona dalka Jarmalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed loogu talo-galay warbaahinta, kaasoo u qornaa sidan:-

Guddoomiyaha  Xisbiga UCID  Eng. Faysal Cali Waraabe oo casuumad rasmi ah ka helay gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi  Prof.  Dr. Norbert Lammert  ayaa todobaadkan u socdaali doona magaalad Berlin ee Caasimada dalkaasi Jarmalka , iyada oo shirku uu si rasmi ah u bilaabmi doono maalinta Khamiista isla markaana uu socon doono ilaa maalinta jimcaha , islamarkaana ay ka soo qayb gali doonaan xunbaha baarlamaanka
aqalka Bundestag  ee hada xilka haya iyo kuwii hore uga tirsanaan jiray, siyaasiyiin, dhaqaale yahano,xubno ka socda bulshada iyo saaxiibada jarmalka oo ka kala iman doona dunida dacaladeeda.

Shirkani oo ujeedadiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee aqalkani Bundestag uu qaybaha kala duwan ee bulshada la leeyahay ayaa labada maalmood ee uu socdo lagu falanqayn doonaa mawduucyo door ah,

Shirkani  caalamiga ah oo ah kii labaatanaad ee ay qabtaan aqalkan baarlamnka jarmalku ayaa ka qayb galka gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe uu ka mid noqonayaa dedaalada uu sida joogtada ah ugu jiro fidinta iyo balaadhinta qadiyada Somaliland oo sida caadada ah ku soo maro wadamada saamaynta ku leh siyaasada aduunka , iyada oo uu haatana socdaal ku joogo dalka Imaaraatka carabta halkaasi oo uu shir muhiim ah kaga qayb galay.

ALLA MAHAD LEH