Guddoomiyaha Ucid oo Musharixii Xisbiga Iska Casillay Ku Sheegay in uu ka Cararay Qiimayn lagu Samaynayo Masuuliyiinta Xisbiga Dhexdiisa

 

Hargeysa(SLpost)- Eng Faysal Cali waraabe, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ka hadlay is casilaadda murrashaxii madaxwayne ku xigeen ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo maanta ku dhawaaqay in uu iscasillay islamarkaana sheegay inuu xisbigaasi uga tagay guddoomiyaha oo baabiinaya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u waramay Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka tirsan Idaacadda VOA ayaa sheegay inaanu xisbiga UCID taageero iyo dadaal midna siinin.

“xisbiga waa la is qiimaynayaa,waa la is dultaagayaa hawshaasi ayaa la galayaa,waxa uu ka baqay uun in xisaabin doono hawshii sidii la doonayay aanu u shaqaynin oo aanu xisbiga taageero,dhaqaale iyo dadaal midna aanu siin”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu beeniyay inuu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo murrashaxa is casilay, balse uu ka cararayo qiimayn lagu samaynayo masuuliyiinta xisbiga dhexdiisa. Guddoomiye Faysal waxa uu iska difaacay eedaha murrashax Cabdirashiid ee ahaa inuu xisbiga baabiinayo.

“Arintaasi waxba kama jiraan inuu khilaaf jiro wuxuu ka cararay uun waa la is qiimaynayaa, arrintii way is bedeshay, wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto, aniga ayaa la I qiimaynayaa inaan sii waddi karo iyo in la I bedeli karo, maaha FACEBOOK-ga iyo CHATTING-ka laguma noqdo siyaasi, aniga iyo Jamaal ismaanu khilaafin, ma odhan murrashax maaha, marka doorasho laga hadlayo waa in loo eegaa waar yaa Somaliland iibin karaya, waar yaa dadka isku waddi karaya.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office