Guddoomiyaha UCID  oo ka Hadlay Khilaafka Xisbigiisa Una Jawaabay Moorgan iyo Maamulka Puntland

Hargeysa(SLpost) -Eng Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa wax fudud ku tilmaamay khilaafka cakiran ee ka dhex taagan hogaanka xisbiga Ucid, wuxuuna tilmaamay in kaliya laga tashanayo sida xisbigu u soo bixi lahaa, inkasta oo hore aragtidaasi uu uga soo horjeestay Jamaal Cali Xuseen, musharaxa xisbigu.

Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale diciifnimo dhinaca Somaliland ka timid ku macneeyay hanjabaado Somaliland uga yimid maamulka Puntland iyo General Moorgan oo hore Shacbiga Somaliland xasuuq ugu gaystay. Wuxuu tilmaamay inay ahayd in Somaliland Jarjarto General Moorgan. Isaga oo sheegay in barnaamijka xisbigiisu meel adag oo qabasho ah ka taagan yahay dadkii shacabka reer Somaliland xasuuqay.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inaanay haboonayn eedaha shalay ka soo yeedhay Puntland eek u saabsan inaanay Somaliland Xudun shidaal ka baadhi karrin.