Guddoomiyaha UCID oo faahfaahiyey Natiijada Kulan Caawa Dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Mowqifka Xisbigiisa ee Xaaladda Taagan

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka soo horjeestay go’aanka uu qaatay Xisbiga Dhiggiisa ah ee Waddani oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu soo baxaan kana soo xaadiraan Xarunta Dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu dhaliilo u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo masuuliyadda muranka siyaasadeed ee taagan uu dusha ka saaray, isagoo ku eedeeyey inay abuurayso khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya muranka sharci ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka iyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee mucaaradku ka soo horjeestay magacaabistooda, kuwaas oo lala xidhiidhiyey inay ka tirsan yihin xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Eng Faysal Cali Waraabe oo xilliyadii dambe ee caawa Guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay ugu warramay suxufi Luqmaan oo ka tirsan telefishanka Bulsho, waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada iyo natiijada ka soo baxday kulan uu caawa Qasriga madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse BIixi Cabdi.

Haddaba, qodobbada Arrimaha uu ka hadlay iyo nuxurka kulanaka Dhexmaray Madaxweynaha oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose:

https://www.youtube.com/watch?v=ahyrh1n0JQ0&feature=emb_title