Guddoomiyaha UCID oo dhaliilay Waxqabadka Labada Gole ee Baarlamaanka, kana warramay natiijada Shirar uu debedda kaga qayb-galay

Berbera  (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ku eedeeyey inay ka gaabiyeen, iska illaabeen hawsha Qaran ee ay Umadda U hayaan.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa isaga oo warbaahinta ugu warramaya Qolka nasashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, waxa uu soo jeediyey in dib loo eego Laba Aqal ee Wakiillada iyo Guurtida oo ku eedeeyey in iyaga oo Sharci-dejintii dalka ay ay ka gaabiyeen hawlihii ay u xil-saarnaayeen.

Guddoomiyaha oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Barlamaankii ma shaqaynayo oo waxa muuqata inay ilaabeen shaqadii loo doortay. Waxa ayaan-darro ah in Ha’yaddo dhan oo sharci dajin ah ay hawshii hayeen ilabeen, taasina waxay leedahay dhibaatadeeda. Waxa weeye in dib loo eego labadaas aqal.”

Waxa kale uu Guddoomiyuhu ka war-bixiyey natiijada Shirar uu kaga qayb-galay dalalka Dibadda kuwaas oo qaarkood lagaga hadlayey qaddiyadda Somaliland. Waxa kale uu sheegay inuu ka qayb-galay shir waynaha xisbiga dibquraadiga ee Finland oo lagu martiqaaday, sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu Magaalada Dubia uu kula kulmay jaaliyada Somaliland ee dalkaas ku nool.

 “Waxaanu ka qayb-galnay shir baladhan  oo ay is-kugu yimadeen dad badan oo ka kala yim beesha caalamka oo diblumaasiyii ah iyo shacabka reer Somaliland ee halkaas ku dhaqan. Markii danbena waxaan tagay dalka Finland oo aan kaga qayb-galay shir waynaha Xisbiga dimuqraadiyaga ee  ka dhacay dalka Filand kaas oo ay igu martiqadeen,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

SLpost News/Desk