Guddoomiyaha UCID Muxuu ka Yidhi Hadal uu Yidhi oo Dhallinyarada Awdal Dhibsatay?

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo sabtidii ka baxay Somaliland ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta, isagoo ay weheliyaan wefti Jarmal ah oo waaxda ganacsiga ka socda. Waxaanu weftigaasi qabanqaabin doonaa carwo ganacsi Jarmalka iyo Somaliland iska kaashadaan.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday duleedka Sheekh iyo inta u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera. Waxa uu arrintaasi ku tilmaamay waxyaabihii Somaliland ka soo gudubtay sagaashamaadkii, isagoo dambi weyn ku tilmaamay in jidadka ama buuraha la galo.

 

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa intii aanu dalka ka dhoofin sheegay in bulshada Awdal gaar ahaan  dhalinyarada lagu beerayo nacayb loo galinayo Beesha dhexe ee Somaliland, hadalkaasi oo dhalinyaro reer Awdal ahi dhibsatay, waxaanu u balanqaaday inuu dood u furayo taas oo wixii uu kaga gardaran yahay iyo wixii uu gar u leeyahay farta la iska saari doono.

 

Afhayeen u hadlay weftiga Jarmalka ka socday oo wasaaradda khaarajigu casuuntay ayaa sheegay inay agaasimayaan madal ganacsi oo Jarmalka iyo Somaliland isku dhaafsadaan jaanisyada ganacsi.

 

HALKAN KA DAAWO WARKAAS OO FAAHFAAHSAN:

https://www.youtube.com/watch?v=q_zjQ2mpLT8