Guddoomiyaha Togdheer oo Shacabka ugu baaqay Inay Si Mug leh uga qayb qaataan Dhammeystirka Dhismaha Madaarka Burco

Burco (SLpost)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md Axmed Cumar X. Cabdillahi (Xamarje) oo shalay kormeer ku tagay Madaarka Magaalada Burco oo hawlo dib-u-dhis ahi ka socdaan, ayaa shacabka  Magaaladaaas, gudo iyo Debedba, ugu baaqay inay u kacaan Dhismaha Madaarka Magaalada Burco.

Axmed Cumar X. Cabdillaahi iyo Maamulaha Madaarka Magaalada Burco oo maanta warbaahinta kula hadlay iyaga oo ku sugan madaarka, waxay Shacabka ugu baqeen inay u guntadaan iskana kaashadaan dhismaha Madaarka Burco si looga saaro xaaladda uu wakhtigan ku sugan yahay.

XamarjeGuddomiyaha Gobalka Togdheer oo ugu horayn halkaas ka hadlay,  waxa uu sheegay in Madaarka Magaada Burco waxtar u yahay dhamaan Gobalada Bari ee dalka, waxaanu si gaar ah baaqiisa ugu socodsiiyey Ganacsatada, Culimo aw-diinka, aqoonyahanka iyo Qurba-jooga degmada Burco,  waxaanu yidhi, “Reer Burcow qaabka ay wax u socdaan waad arkaysaan iyo waxaynu hiigsanayno, waxaynu doonaynaa in Madaarka Magaalada Burco uu ka mid noqdo Madaarada Caalamka oo kale, markaa waxaan leeyahay waa inaad maalka u hurtaan Madaarka si looga saaro xaalada uu imika ku sugan yahay. Waxaan Shacabka Magaalada Burco gude iyo debad-ba leeyahay fadhiga ka kaca hadday tahay Baayac-mushtarka, Culimo aw-diinta, Aqoonyahanka, Qurba-jooga, Ardayda nususacahooda iyo Xoola dhaqatada Gobalka Togdheer inay Madaarka Magaalada Burco, markaa waxaan leeyahay Reer Burco gacanta jeebadaha ha galiyaan, waayo Madaarkani uu waxtar u yahay dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Bariga.”

Dhinaca kale, Maamulaha Madaarka Magaalada Burco Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa Shacabka Magaaladda Burco ku dhaliilay inay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen dib-u-dhiska Madaarka Magaalada Burco, waxaanu yidhi, “Reer Burco wax lacaga lagama hayo sida ay ii sheegeen Guddiga ururinaysa lacagta qaadhaanka ah ee loo Uruurinaayo Madaarka Magaaladda Burco, markaa wixii hore ee ku baxay Madaarka waxna waxa bixiyey  shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo in yar oo laga qaaday xukuumadda, markaa Reer Burco gude iyo Debad-ba doorkoodii kamay qaadan Dib-u-dhiska Hawlaha Madaarka Magaalada Burco.”

SOMALILANDPOST.NET