Guddoomiyaha SOLJA oo raaligelin iyo xaal ka bixiyey warsaxaafadeed qaar kamid ah hoggaanka ururkaasi ku aflagaadeeyeen Daladda SONSAF

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa raalli-gelin iyo xaal ka bixiyey warsaxaafadeed ceebayn iyo aflagaaddo xambaarsanaa oo xubno ka mid ah hoggaanka ururkaasi todobaadkan ka soo saareen magaalada Hargeysa.

sonsaf3Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud ee ururkaasi Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, ayaa todobaadkan war-saxaafadeed ay warbaahinta qaarkeed daabacday ku aflagaaddeeyey daladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF oo ay ku eedeeyeen inay kala qoqobaysi saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, isla markaana ay u adeegayso gacmo shisheeyey oo cadow ku ah qaranimada Somaliland.

Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta hadal ka jeediyey kulan ku qabsoomay Hotel Maansoor ee Hargeysa oo lagaga hadlay duruufaha ku gedaaman warbaahinta Somaliland, kaas oo ay soo qaban-qaabisay daladda SONSAF, ayaa sheegay inay urur ahaan u taagan yihiin, kana shaqaynayaan wax kasta oo faa’ido iyo dan u ah saxaafadda Somaliland.

“Waxaan aad uga xumahay warsaxaafadeed xubno ka mid ah hoggaanka SOLJA soo saareen, sida la ogyahayna ururku xeer iyo shuruuc buu leeyahay, cidda hoggaanka SOLJA ku hadli kartaana waa aniga, warsaaxafeedkaasna waxba la igama ogaysiin oo markii la diyaarinayey dalka waan joogay, manaan dhiman, manaan dhoofin, waxaan warsaxaafadeedkaas xaal iyo raaligelin ka siinayaa SONSAF,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxa muhiim ah in laga hadlo waxkasta oo dani ugu jirto saxaafadda, wixii aanay dan iyo faa’iido ku jirin in la soo hadal qaado maaha, markaa dhammaanba qodobada ajandaha ah ee shirkan lagaga hadlayo waan wada eegay, kuma jiro hal qodob oo ka soo horjeeda danaha saxaafadda, haddaan Guddoomiyaha SOLJA ahayna wax kasta oo danta saxaafaddu ku jirto waan ka qaybgalayaa.”

SOMALILANDPOST.NET