Guddoomiyaha iyo Shaqaal Shirkadaha Dahabshiil oo tacsi u diraya Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Aadan Mire Waqaf

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum ADAN MOHAMED MIRE (ADAN WAQAF) oo ku geeriyoodey 09 January dalka Malaysiya. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha kasiiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo.Aamiin.Aamiin.