Guddoomiyaha Sanaag oo ka warbixiyey Dilal Muddooyinkii u dambeeyey ka dhacay gobolkaas iyo Dhalinyaro loo xidh-xidhay Xisbiga Kulmiye

Gar-adag (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka warbixiyey dilal todobaadyadii u dambeeyey ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolkaas iyo sababta xadhigga dhalinyaro lagu xidh-xidhay degmada Gar-adag oo badhasaabka iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal shaqo ku gaadheen.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu faahfaahin ka bixiyey dilal ka dhacay gobolka Sanaag oo dadkii geystay qaarkood gacanta lagu hayo, halka kuwo kalena ay baxsadeen illaa immikana aan gacanta lagu dhigin, iyada oo kiisaska dilalkani ku jiraan Maxkamadaha gobolka iyo degmada.

“Illaahay mahaddii xaaladda gobolku way fiican tahay, nabadgelyadu aad iyo aad bay u fiican tahay. Way jiraan dilal iska dhacdhaca oo runtii gobolku waa gobol ballaadhan oo dad badani deggan yahay, markaa way jiraan dad la dilay, Maalin dhawayd mid yar baa mid feedhay oo aan ahayn ula kas ee Arday iskuul ka soo rawaxay ahaa labadooduba, Ardaygii Ardayga kale feedhay wuu dhintay amarka Illaahay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax oo khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo Xalay isaga oo ku sugan degmada Gar-adag.

Taliyaha oo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Laba Geel-jire ah oo Geel wada raacay oo toorri isku dhuftay iyagoo lagdamaaya oo weliba dhalinyar ah baa iyaguna jira oo mid dhintay. Labadii dhintay mooyee labada kale waa la qabtay, dilalkana dhawr nooc baa loo kala qaadaa, markaa weli xallintoodii lama gelin. Dilalkuna waa dilal aan ula kac ahayn ee Allaah keenay oo Maqaaddiir ku yimi.”

Guddoomiye Maxamuud Cali (Ramaax) oo la weydiiyey waxa ka jira Dhalinyaro tiro badan oo la sheegay in lagu xidh-xidhay Gar-adag iyo in dhalinyaradaas loo xidh-xidhay Calanka Kulmiye oo ay gubeen iyo inay Xisbigaas ka baxeen, wax auu jawaabay,“Dhalinyarada wixii dembi sameeya waa la xidhayaa, horena waa loo xidhi jiray, waana la xidhayaa, halkan oo keliya maaha ee Ceerigaabo ayaa lagu xidhaa, Maydh baa lagu xidhaa, Degmooyinka kale ee gobolku ka kooban yahay baa lagu xidhaa, halkan baa lagu xidhaa.”

“Wax hawlahaas ku xidhani ma jiro, wax hawlo nabadgelyo ah mooyaane horta calan la gubay ma jiro meeshan (Gar-adag) oo anigu aan ogahay. Hase-yeeshee, way jiraan Dembiilayaal la xidhay oo laba ah. Had iyo jeeraalana Boolisku waxay u xil-saaran yihiin inay qabtaan cid kasta oo dembiile ah ama falal samaysa, laakiin cid gaar ah oo si gaar ah loo xidhay ma jirto.

Dacaayaddu way iska jirtaa oo xalay (habeen-hore) ayaan TV-ga ka maqlayey Inan Weriye ah baa la xidhay, waxbana kama jiraan Gabadh Weriye ah oo Gar-adag lagu xidhayna maba jirtaba,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).