Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jabuuti oo ka Xog-warramay ujeeddada Socdaal uu ku yimi magaalada Hargeysa iyo Kulamo uu la yeeshay Dhiggiisa Somaliland

Hargeysa, 13 February, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyada Jabuuti Mr.Siciid Cumar oo booqasho shaqo ku jooga caasimada dalka ee hargaysa ayaa cadeeyay in xidhiidhka Ganacsi iyo wax wada qabsi ee u dhexeeya labada dal uu marayo halkii ugu wanaagsanayd ilaa intii Somaliland jirtay.

Masuulkani waxa uu xusay in mudo laba cisho ah oo uu dalka ku sugnaa uu kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta rugta ganacsiga ee Somaliland isla markaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay taageero wax ku ool ah ka ciyaari doonaan kuwaas oo ay ka gacan siin doonaan urur goboleedka Igad.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Jabuuti, waxa uu sheegay inay rugtan ka taageeri doonaan dhinacyada tababarada, Kaydinta wixii xogo ah iyo is dhaafsiga wixii macluumaad ah,waxaa kale oo uu tilmaamay in iskaashiga labada wadan uu marba mark aka danbaysa sii kobcayo isagoo intaas ku daray In Wasiirka Maaliyada ee Jamhuuriyada Jabuuti uu marti qaad u fidiyay Wasiirada Maaliyada iyo Ganacsiga ee Somaliland isla markaana ay dhinacooda marti qaadkaas ku soo dareen rugta Ganacsiga Warshadaha iyo Beeraha ee Somaliland isla markaana ay is dhaafsadeen talooyin dhaxal gal ah.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Jabuuti waxa uu hoosta ka xariiqay in sababaha sii weynaynaya xidhiidhka labada dal ay tahay jidka isku xidha labada wadan oo haatan uu dhismihiisi socdo isla markaana ay dawlada Jabuuti iyadoo kaashanaysa Mashruuc balaadhan oo Midowga Yurub Maalgalinayo ay ku taageeraan hirgelinta wadadaas oo wax badan ka badali doonta isu socodka ganacsiga ee Somaliland iyo Jabuuti.

Mr Siciid Cumar waxa uu intaas ku daray inay ku faraxsan yihiin in wax soo saarka maxaliga ah ee Somaliland uu soo gaadho dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net