Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo si Qayaxan uga Hadlay Doorashooyinka iyo Muddada loo asteeyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa caddeeyey in aan la dhaafi karin, isla markaana aanay jirin meel laga maro qaraar Maxkamaddu soo saartay 18 August 2015, kaasoo lagu sharciyeeyey in doorashooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada mar la wada qabto marka taariikhdu tahay 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

aadan-xaaji-caliGuddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo hadal ka jeediyey kulan lagu shaaciyey guddi bulshada rayidka ah ka kooban, kana shaqayn doona xallinta khilaafaadka arrimaha doorashooyin oo lagu qabtay Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in hay’adaha garsoorku la soo noqdeen awoodoodii sharciga ahayd, dushana kala socdaan hawlaha doorashooyinka ee laga wado Somaliland.

“Dhammaan doorashooyinka dalka ka socda oo dhan isha ayaannu ku haynaa (monitoring) oo waxa aad ogaydeen Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa soo afjartay muddo-kordhintii u dambaysay ee la isku mari waayey (sannadkii 2015), iyadana aayana (Maxkamadda Dastuuriga ah) la soo ciirsaday. Sidoo kale sannadkii 2005, khilaafkii ka jiray doorashada Golaha Wakiillada, waxa soo afjaray Maxkamadaha dalka, imminkana hababkan jira oo dhan ee socda, haddii ay tahay hay’adaha kale ee dastuuriga ah iyo haddii ay tahay waddanka oo dhan waannu la soconaa, waana marjac loo soo noqonayo oo qaraar hore oo Maxkamadeed ayaa yaal oo aanay jirin meel laga dhaafo (qaraarka lagu caddeeyey in doorashooyinku qabsoomaan 28 March 2017), loona soo noqon doono, dusha ayaanan kala soconaa, markaa Garsoorku waa hay’ad nool oo dib u soo noolaatay, awoodaheediina awoodo badan la soo noqotay, lana socota xaalad kasta oo ka jrta dalka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Waxaannu intaas ku daray; “Garsoorku waa hay’ad muhiima oo dastuuri ah, waana meesha ugu dambaysa la isla yimaad haddii la dhammayn waayo ismarin waa kasta oo siyaasi ah amma aan siyaasi ahayn ee lagu dhammaystiro amma lagu xalliyo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-habaynta lagu sameeyey nidaamka garsoorka Somaliland, waxaannu yidhi; “Muddooyinkii u dambeeyey waxa aannu gacanta ku haynay dib-u-habayn xoog ah oo dhinaca garsoorka ah oo suurtogelisay in dadku amma mushtamacu ku kalsoonaadaan, kuna soo hirtaan, isla markaana dacwadaha yaalay aannu u curinay habab kala duwan oo aannu u xalliyo oo berigii hore gar-naq ayuun bay geli jireen oo imminka dacwadaha raagay oo khilaafka dhulka ah amma dhiigga ah, nool iyo mood midka uu doono ha ahaado qaybo badan oo ka mid ah waxa aannu ku xalinaa dhexdhexaadin iyo sulux oo ka mid ah awoodaha dastuuriga ah garsoorku leeyahay.”

“Garsoorku ma sameeyo gar-naq oo qudha, waxa uu siinayaa haddii dacwaduhu madani yihiin inuu qaab sulux ah ku dhammeeyo oo dhinacwada la wada qanciyo…Dhexdhexaadinta, xallinta iyo suluxa dadka oo la isku yeedho waxa uu anfacay dadkii is haystay ee dacwaduhu ka dhexeeyeen, taasina (suluxa iyo is qancintu) waa mid mushtamaceennu la gaar yahay.”

“Ummad walba waxay leedahay wax ay caan ku tahay oo ummadaha kale u dhoofiso, lagana barto, markaa innaga habkan dhaqanka ah ee fudud ee aynu u xalino khilaafaadka waa wax aynu leenahay, la innaga baran karo, ummadaha kalena aynu u dhoofin karno, waana cashar cusub oo aynu u dhigano dunida oo ummad yar (dalal yar) ayaa leh hab la mid ah nidaamkeenna lagu xaliyo khilaafka ee Golaha Guurtidu, nidaamka kale ee dhaqanka iyo mushtamaceennu ugu diyaarsan yihiin in khilaafaadka loo xaliyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kale oo uu ka hadlay awoodaha ururrada bulshada rayidka ah ku leeyihiin Somaliland, waxaannu yidhi; “Ilaa intii aynu la soo noqonay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa waddankeenna halkaas lagu soo gaadhsiiyey wada-jir, gacmo-is-qabsi iyo in cid walba ay doorkeeda qaadato, ururrada bulshaduna door weyn ayey ku lahaayeen xilliyadii nabadda la samaynayey ee dagaaladu ka jireen dalka, ilaa intii aan dalku u guurin nidaamka axsaabta badan, sidoo kale markii xisbiyadu yimaadeenna, bulshada rayidka ah door ayey ku lahaayeen, ilaa waqtigana way shaqeeyaan, waayo, lagama maarmayo Ururrada Bulshada Rayidka ah.”

Waxa kaloo uu tilmaamay in bulshada rayidka ah yihiin awoodaha ugu waaweyn ee ka jira dalka Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay metelaan dadweynaha oo uu xusay inay yihiin halka codka loo doonto marka doorashooyinku jiraan, isla markaana ay go’aamiyaan cidda madax ka noqonaysa waddanka Somaliland.

“Dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, markasta oo doorashooyin galaan, waxa ugu xigta colaad, weliba ka bilaw dalalka jaarkeenna oo ay ka mid yihiin Kenya, Tansaaniya, Itoobiya, Jabuuti, ilaa dalalka kale ee Saxaraha ka hooseeya, sababtuna wax kale maaha ee Hay’adahoodii dastuuriga ahaana laguma kalsoona oo waxa hoos u dhacday kalsoonidooda, haddii ay tahay garsoorkooda iyo guddiyada doorashooyinka ee dalalkaas ka jira, nidaamkan aynu leenahay ee xallinta khilaafyadana ma laha, innaguna doorashooyin badan ayeynu galnay innaga oo ah waddan yar oo aan la ictiraafsanayn,dhaqaalihiisu badnayn oo duruufo adag ku hareeraysan yihiin, kuna yaal gobol ay colaaduhu halakeeyeen, haddana mar walba waynu ka gudubnaa, waxaanna inoo saamaxay sifada gaarka ah ee aynu leenahay ee ah habka loo xaliyo khilaafka iyo colaadaha,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.