Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ka hadlay Muhiimadda Maxkamadaha guur-guura

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha  Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ka hadlay muhiimadda ay dalka iyo dadka u leeyihiin Maxkamdaha guur-guuraa, isla markaana waxa uu sheegay inay tayeyntooda Somaliland baahi wayn u qabto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey madal lagu soo gebagabeeyey shir hawleed dib loogu eegayey horumarinta adeegga Maxkamadaha wareega si loo tayeeyo.

Shir hawleedkaas oo muddo shan maalmood ah ka socday Hargeysa, waxa ka qeyb galay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Garsoorayaasha iyo Kaaliyayaasha ka hawlgala Maxkamadaha gobollada dalka iyo waliba Xeer-ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali hadal uu ka jeediyay xidhitaankii shirkaas waxa uu sheegay inay waajib tahay in la tayeeyo adeegga Maxkamadaha wareega ama guur-guura oo faa’iido u leh shacbiga. Guddooomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland waxa uu amaan u jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirka caddaaladda oo uu sheegay inay ka go’an tahay niyad ahaan iyo siyaasad ahaanba inuu garsoorku u madax bannaanaado waajibaadkiisa si ay u fusho waajibaadka uu dastuurku u damaanad qaaday.

Md Yuusuf Ismaaciil waxa uu intaa ku daray in natiijada ka soo baxday shir hawleedkan ay balan-qaadayaan inay si buuxda ugu shaqeeyaan.

Waxa sidoo kale shirkaasi ka hadlay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa dhinaciisa ka sheegay inay dadaal xoogan u geli doonaan xafiis ahaan in garsoorka Somaliland noqdo mid caddaalad ku dhisan, isla markaana ay tayeyn doonaan aqoonta baahida garsoorka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net