Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo iftiimiyey Xuquuqo ka Maqan Shaqaalaha Somaliland

AADAN XAAJI CALIHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in ay jiraan caqabado badan haysta shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ah, kuwaasoo loo baahan yahay in Xal deg deg ah laga gaadho si loo sugo caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo khudbad ka jeediyey xaflad ay xilka kula kala wareegayaan Guddomiyihii hore ee Hay’adda Shaqalaha Dawladda iyo Guddoomiyaha cusub shalay, waxa uu xusay in loo baahan yahay dib u eegis lagu sameeyo xuquuqda, habka shaqo ka saarista shaqaalaha dawladda.

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYAHA