Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Ku Kala Baxaan Sharciga

Guddoomiyaha maxkamadda sareHargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Bulshada reer Somaliland ugu  baaqay in lagu kala baxo sharciga oo ay dadku aaminaan bahda garsoorka halkii markii hore wixii khilaafaad ah gacanta loo galin jiray guddi dhexdhexaadin laguna dhamayn jiray sulux iyo tanaasul muddo yar kadibna ay soo laba kaclayn jirtay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Oo ay weheliyaan wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska oo maxkamadda dacwadi u taalay ayaa kula dardaarmay dadweynuhu inay sharciga kulak ala baxaan, isla markaana ay awoodda saaraan sidii loo dhiirigelin lahaa ku dhaqanka sharciga.