Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo ka warbixiyey Dambiga loo haysto Wargeyska Foore

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa faahfaahin ka bixiyey kiisaska loo haysto Wargeyska Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa, kaas oo Maxkamaddu saartay xayiraad ah inaanu wargeysku soo bixi karin muddo hal sanno.

 

Xukunka Maxkamadda waxa kale ganaax lacageed lagu xukumay Tifaftiraha Wargeyska Maxamed Ilka-case halka sidoo kale Maxkamaddu wax danbi ah ku weyday guddoomiyihii Wargeyska Cabdirashiid Cabdiwahaab.

 

Haddaba, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa ka warbixiyey dambiyada loo haysto Wargeyska iyo masuuliyiintiisa.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN