Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo ka Hadlay Isbadal Gun Iyo Baar Ah Oo ay Sameeyeen Shacbigana Ugu Baaqay Inay Laaluushka Joojiyaan Si Cadaalad Loo Helo

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay isbadal gun iyo baar ah oo ay ku sameeyeen bahada garsoorka, xafiisyo ay soo kordhiyeen shacabiga Somalilandna ugu baaqay in wakhtigan loo baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan isbadalka garsoorka dalka oo ay joojiyaan laaluusha iyo qaraabo kiilka.

Waxa uu arimaha kaga hadlay gudoomiyaha maxkmada sare shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, iyada oo arimaha uu ka hadlay ay ka mid tahay saacadaha shaqada oo kor loo qaaday iyo mushaharka shaqaalaha garsoorka oo madaxweynuu balan qaaday in loo kordhiyo.

Waxa uu gudoomiyahu arimahan kaga hadlay shir jaraa’is oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxaana hadalkiisa uu ku bilaabay sidan “Maxkamada sare dib u qaabayn badan ayaanu ku samaynay oo waxa taagnaa todoba boqol oo dacwadoo oo madani ah kuwaas oo dalka oo dhan ka yimi iyo sadex boqol oo kiis oo ciqaab ah in ka badan, markaas waanu dhaqaajinay mudo dheerna dadku xuquudoodii ayay sugayeen, waxa na sii caawiyay intii garsoorayaasha maxkamada sare la kordhiyay, waxaanu dib u qaabayn xooga ah ku samaynay habkii ay u shaqaynaysay maxkamada dastuuriga ah oo waydinkii ogaa dacwado waaweyn ayaa na soo galay, waxaanu wax ka badal iyo qaabayn ku samaynay saacadaha shaqada wadanka oo dhan 7:30 subaxnimo ilaa 2:00 waa ay shaqeeyaan maxkamadaha dalka oo dhami oo hada hadaad adeeg u timaadaan waad ka helaysaan xiligaas, qaabilaada bulshada iyo in dadka cabashadooda la dhagaysto in dacwadaa la dadajiyo waxaas oo dhan waanu bilawnay anaga oo ka wada shaqaynayna haayada garsoorka hoosyimaada oo dhan, dhawaana waanagii samaynay isku badal baaxad leh waxaanay saamaysay 130 qof, 87 garsoore waxa lagu sameeyay dalacsiin,casilaad iyo badalid, 10 xeer ilaaliye sida oo kale, ,intii aan talaabadan qaadin waxa jirta gudi la yidhaahdo gudida dabagalka oo gudiga cadaalada hoos yimaada ayaa laba bilood iyo badh shaqaynaayay markaas gobalkasta waa ay tageen oo waa ay la kulmeen garsoorka,xeer ilaaliyayaasha iyo dadka adeega loo qabnaayay. waxaanu soo celinay sawirkii garsoorka oo waxaanu ka dhignay meel ay dadku u cadaalad yimaadaan, meel dadka lagu dhagaysto, marka wax la xukumo dadka kama wada farxiso laakiin waa inay wax socdaan oo aanay ragaadin oo dadku garnaq helaan.”

Gudoomiyaha maxkamada sare oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Haayadaha kale ee ay garsoorka wada shaqeeyaan waxa ka mid ah ciidamada booliska iyo asluubta oo midna fulintii sameeyo midna ay maxkamaduu u diraan dadka oo kuwa la xidhaayo go’aan ka gaadha, markaas waxa jiray gudiyo dib u habaynta cadaalada ahaa oo ay ku jireen markaas iyada oo taasi jirta hadan wada shaqayn joogto ah ayaanu leenahay, booliska waxaanu ka wada shaqaynaa in fulimihii la dhaqaajiyo waxii xasaasiyad kicinaaya mooyaane, oo aagaas oo dhan laga sameeyo dib u habayn weyn. Waxaanu ku taaganahay istaraatiijiyadii degdega ahayd ee dib u habaynta iyo tii fogaydba, waxaanu wadnaa oo madaxweynuuna uu si fiican noo soo dhaweeyay in bajadka sanadkan la kordhiyo dhamaan haayadaha cadaalada oo dhan gaar ahaan garsoorka si nolashooda wax isaga badalaan la xisaabtankuna uu u yimaado, taasina waa mid socota madaxweynuuna waa soo dhaweeyay oo waliba waa uu balanqaaday, gudida bajadka waanu la kulanay iyagana meel fiican ayay noo maraysaa, rajo weyna waanu ka qabnay.”

isaga oo ka hadlaayay xafiis cusub oo ay ku soo kordhiyeen kaydka waxa uu yidhi“Markii hore lama ogayn dacwadaha soo gala garsoorka markaas xafiis ayaanu abuurnay macluumaadkaas ururiya, si sanadka dhamaadkiisa loo ogaado inta dacwadood ee soo galay, inta dhamaatay, nooca  uu ahaa ciqaab iyo madani, si halkaas looga ogaado dhanka dalku uu u socdo, markaas lixbiloodkii iyo sanadkiiba waanu soo saaraynaa, waxaanu kale oo dib u qaabayn u samaynay xafiis dibada la xidhiidha oo ay saxaafadu xog ka hesho oo si fudud ay ula soo xidhiidhi karayaan marka ay xog ka doonayaan.”

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiyaha maxkamada sare hadalkiisa ku soo gunaanaday fariin uu u diray dadka reer Somaliland“Ugu danayntii anagu dhinacayaga hadaanu nahay dadkii masliyada ugu saraysay ee garsoorka hayay, waxa nagu waajib ah inaanu da’daal samayno oo aanu la dagaalano musuqmaasuqa,eexda,shaqo xumaanta oo ay dadku adeeg fiican halkan ka helaan waa sababta aanu isbadalada u samaynay, in aanu kormeerada kordhino oo dadka laga cabanaayo aanu wax ka qabano, kuwa shaqaynaaya aanu wax la qabano, bulshadiina waa inay sidaas nagula shaqeeyaan oo ay joojiyaan laaluushka ay bixinayaan, waana loo qabanayaa adeega ay doonayaan, lacagtaada iska hayso waana laguu adeegayaa, wakhti dheer ayay qaadanaysaa oo odhan maayo wax waliba way dhamaadeen laakiin maanta ayaanu wadadeedii qaadnay, in laga tago eexda iyo qabyaalda, oo halka aad odhan lahayd yaan garanayaa waa in la ogaado in cid kastaa ay adiga halkan kuu fadhiso oo ay walaalkaa tahay,waxii cabasho ahana maalinba inbaanu ka qabanaynaa, markaas bulshada darafkeedii waa inay ka soo baxdo, wakhti ayay qaadnaysaa laakiin anaguna waa inaan shaqayno oo waajibkayaga ka soo baxno, samirno oo qorshe la nimaadno,bulashaduna waa inay taageerto isbadalkaas u muuqday ee wadanka oo dhan ah, ujeedada kama danbaynta ah ee isbadalkani waxay ahayd in la dardar galiyo garsoorka.”