Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Sheegay Eexda Iyo Musuqa Inay Dagaal La Galayaan

 

Hargaysa(SLpost)-Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland Aadan xaaji Cali, ayaa bulshada ugu bushaareeyay isbedel hor leh oo lagu samaynayo hanaanka garsoorka Somaliland.

Waxa uu sheegay in meesha laga saari doono dadka bixiya laaluushka iyo kuwa ka tirsan garsoorka ee qaata laaluushka “Markaan ka hadlo guud ahaan garsoorka, anigoo ku hadlaya magacii maxakamadda sare iyo guddida caddaaladda, waxaa naga go’an oo aanu imika bilawnay oo ku taagnaanaynaa in lala dagaalamo dhammaan caadooyinka xun-xun, hadday tahay Eexda, Qabyaaladda iyo musuqmaasuqa. Meeshan adeeg baa loo yimaadaa, qofku caddaaladda ayuu ka shaqaynayaa, meeshii caddaaladda lagaga shaqaynayay waa inay arrintaasi ka muuqato,”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay madal tababar loogu soo xidhayay xubno ka mid ah bahda garsoorka ayaa sheegay in la samaynayo guddi baadhis iyo dabagal ku samaysa bahda bulshada u qaabilsan caddaaladda oo gobol walba ka hawl gali doonta   “Waxa jira guddida daba galka iyo baadhida waxaanay hoos yimadaan guddida cadaalada waana la xoojinayaa guddidaas,  waxaana la gaadhsiinayaa ilaa heer gobol. anaga ayaa gobol walba gaadhsiin doona, waxaana loogu tala galay in qofku sharcigu ilaaliyo oo qofka sharciga dadka ku ilaalinayaa uu isaguna sharciga ilaaliyo, haddii uu isagu sharciga ku tunto dadka kale sidee ayuu sharciga ugu qabanayaa?  waana wax la yaab leh aniguna sharciga ayaan ku tumanayaa dadkana sharciga ayaan hor istaajinayaa ismana  qabanayso , ama waa  inaad adiguna sharciga hor istaagto ama waa inaad iskaga tagto laakiin anigu waxaan doono ayaan samaynayaa talaabada aan doonana waan qaadayaa cidina  ima xisaabinayso dadkana waa lay hor keenayaa iyaga oo katiinadaysan iyaga oo ii cabanaya markaa sharci meeshaa kama shaqaynayo ee xoog xoog ayaa ka shaqaynaya.”

Waxa uu sheegay Aadan inay dib u soo celin doonaan kalsoonidii iyo karaamadii garsoorka  “Waxa naga go,an inta awoodayada ah iyada oo ay jiraan caqabado badan, dhaqanka dadka ayaana ugu horeeya, waxa weeyaan haddii ay dadkii donayaan inay iyagu laaluush bixiyaan ka kalana iyaga ayaa laaluushka baraya waanan la dagaalamaynaa, maalin dhaw waxyaalaha aanu hir gelin doono si ay sharaftii iyo karaamadii dib u soo kacdo waxaanu iclaaminaynaa dirayskii ay sadexda qolo lahaayeen, xeer ilaalinta, garsoorayaasha iyo looyarada kuwaas  oo  maxkamada dirays ku iman doona waana la dhamaynayaa dhawaan.”

Isagoo ka hadlaya xaaladda wakhtigan ee garsoorka waxa uu yidhi  “Waxa kale oo aanu dhawaan shaacin doonaa inaan sharcigu qaban garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha ee bulshadana uu qabto oo bulshada laaluushka bixinaysa iyaga laftooda talaabo laga qaado, imika maxkamadaheenu saylad ayey noqdeen, Saylad loo shaqo tago oo dilaaliintu yimaadaan, dilaaliintaas oo dhana waa la xidh xidhayaa.”