Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga oo Khilaafka Sharci ee waddanka ka jira ku sababeeyey Masuuliyad-darro hay’adaha Dawladdu horseed u yihiin

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Siyaasiyiinta ku bahawday Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo uu ku tilmaamay mid Xukumaddu hurisay, isla markaana ujeeddada laga leeyahay salka ku hayso muddo-kordhin uu sheegay inuu damacsan yahay Madaxweynuhu in loo sameeyo sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga oo Khilaafka Sharci ee waddanka ka jira ku sababeeyey Masuuliyad-darro hay’adaha Dawladdu horseed  u yihiinXasan Guure waxa uu ku dooday markii ay Siyaasiyiinta uu Guddoomiyaha u yahay ku bahoobayeen Madasha Wada-tashiga inay u muuqatan arrinta maanta taagan ee Khilaafka ahi, isla markaana ay sii arkayeen, haddana ay muuqato wax uu ugu yeedhay muddo-kordhin Madaxweynaha iyo Madaxeyne Ku-xigeenku Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) doonayaan inay muddo ka badan shantii sano ee la doortay Kursiga ku sii fadhiyaan.

HALKAN KA DAAWO HADALKA MUJAAHIDKA

SOMALILANDPOST.NET