Guddoomiyaha hay’adda Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa oo faahfaahin ka bixiyey baadhitaan ay ku wadaan raashin mucaawinno ah oo la lunsaday

Hargeysa, 12 March 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha hay’adda maamul-wanaaga iyo la-dagaalka musuqmaasuqa Md. Axmed Muxumed Madar, ayaa markii ugu horreysa ka hadlay baadhitaan ay ku wadaan raashin la sheegay in la lunsaday oo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan qaarkood loo xidh xidhay

Guddoomiyaha hay’adda maamul-wanaaga iyo la dagaalka musuqmaasuqa oo saxaafadda la hadlay isaga oo ku sugaan barxadda hore ee wasaaradda Dibu-dejinta oo lagu dajinayey raashin la lunsaday oo la soo qabtay ayaa yidhi, “Raashinkani sidii cadaada ahayd waxa uu soo maray dekeda Berbera oo baadhitaankaygu halkaas ayuu ka bilaabmayaa oo waanu la soconay muddo toddobaadyo ah oo bakhaaro uu yaalayna waanu aragnay.” Waxa uu hadalkiisa ku daray, Guddoomiyuhu, “Anaga oo baadhitaankayga caadiga ahi noo socdo, waxa ka soo hordhacay talaabadan ay madaxtooyadu qaadday ee ah in dad lagu eedeeyo raashinkan isaga ah oo anagu baadhitaankayga waanu wadnaa oo ilaa halkii laga soo raray ilaa halka ay xabadda ugu dambaysa gaadhayso waanu ka war haynaynaa.”

Mar guddoomiyaha waxa laga waydiiyey inay jiraan wasiirro lagu eedaynayo lunsiga raashinkan waxa uu yidhi, “Ka hor dhici maayo oo baadhitaankayagu wuu noo socdaa oo cid walooy taabatana baadhistu way nala galaysaa oo wixii ay qabaana waanu keeni doona.”

Arrinta lunsiga raashinka lagu talo galay dadka danyarta ayaa waxa u xidhan masuuliyiin dawllada ka tirsanaa oo xilkii ay hayeenna laga qaaday kuwaas oo ay ka mid yihiin  Badhaasabkii Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimihii Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Jaamac Siciid kuwaas oo shalay maxkamad la horgeeyey ku xukuntay xadhig rumaan ah loona dhaadhiyey Xabsiga magaalada Hargeysa.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland