Guddoomiyaha Kulmiye oo Xilal Cusub u magacaabay Xisbigiisa

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa maanta xilal u magacaabay masuuliyiin cusub. Xilalka Cusub ee Xisbiga Kulmiye loo magacaabay aya ah qaar ku kooban gobolka Maroodi jeex.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Xisbiga isla markaana uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa u dhignaa sidan:

“Ujeedo: Magacaabid Guddida Gobolka M/Jeex ee Xisbiga Kulmiye.

Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 23/09/2011, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isaga oo la tashaday hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo waxgaradka Xisbiga Kulmiye wuxuu u magacaabay Xilal

  1. Khadar Cabdi Xuseen          Guddoomiyaha Gobolka M/jeex ee Xisbiga Kulmiye.
  2. Xusni Maxamed Warsame   G/Garabka Haweenka Gobolka M/jeex ee Xisbiga Kulmiye
  3. Sidiiq Cawil Axmed               Xoghayaha Gobolka M/jeex ee Xisbiga Kulmiye

Masuuliyiintan waxaa loo rajaynayaa in Eebbe u fududeeyo Xilkan”

Xilalka loo magacaabay masuuliyiintan cusub ayaa bannaanaa tan iyo intii uu xisbigu ku guulaystay doorashii madaxweynaha ee dalka, ka dib markii guddoomiyihii Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex loo magacaabay badhasaabka gobolka Maroodi-jeex halka labada xil ee kale ay yihiin qar ku cusub ee Xisbiga.

SP News Desk

Hargeysa

Contac@Somalilandpost.net