Guddoomiyaha Kulmiye oo faahfaahiyey Nuxurka Qodobbada Bud-dhigga u noqon Doodda Qaran ee Axsaabta Qaranku Qabsoomidda ku Heshiiyeen

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan u sharraxay natiijada kulan ay Axsaabta Qaranku mowqif midaysan kaga gaadheen qabsoomidda Dood Qaran oo lagu Faaqido Xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee wakhtigan dalku marayo, taas oo lagu go’aamiyey in Akademiyadda Nabaddu gadh-wadeen ka noqoto hoggaaminta  doodda Qaran.

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddoomiyaha Akedemiyadda Nabadda ayaa arrintan ku faahfaahiyey shir-jaraa’id oo ay maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabteen magaalada Hargeysa ka dib kulmo dhinacyo badan oo maalmihii u dambeeyey lagu soo af-jaray muran ka dhashay qaban-qaabada Dood Qaran oo axsaabta siyaasaddu ku baaqeen.

muuseGuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey qodobbo gun-dhig u noqon doona Doodda Qaran ee dhinacyada Siyaasadda Somaliland ku heshiiyeen Qabsoomisteeda, kuwaas oo xambaarsan arrimo la xidhiidha qabsoomidda Doorashooyinka iyo jihaynta siyaasadda Guud ee dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaanu idiinku yeedhnay qoladiina warbaahinta shir ay maalmahanba saddexda xisbi Qaran ay kaga hadlayeen Talo-Qaran. Muddooyinkii u dambeeyey waxaad (Qoladiina warbaahinta) waxaad umadda aad u gaadhsiiseen khilaaf siyaasi ah oo ka dhexeeya saddexda xisbi qaran, marmarka qaarkoodna meel dadka war-wargelisaba aad gaadhsiisaan,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey, “Waxa Illaahay Mahadii ah in saddexdii Xisbi Qaran ay ka heshiiyeen Wixii Dood ahaa ama hadal is-dhaafayey ee laysku af-garan lahaa mudooyinkan oo dhan oo warbaahintu gudbinaysay.”

Muuse Biixi waxa uu sharraxay qodobbada ay ku heshiiyeen saddexda Xisbi Qaran, waxaanu yidhi, “Shirar socday dhowr cisho, maanta waxaanu gaadhnay dhowr Qodob: Ka koowaad, waxaanu ku heshiinnay saddexda Xisbi haddaanu nahay, wixii dood Qaran ah ee danta Qaranku ku jirto ee umaddu u baahan tahay annaga oo saddexda xisbi-Qaran ah inaanu si wada-jir ah u qabanno Dooddaa, Akaademiyadduna ay noo ahaato cidda noo fududaynaysa ama hoggaaminaysa si ay u noqoto dhex-dhexaad. Waxaanu ku heshiinnay qodobbada aanu doonayno inaanu ka doodno oo ah, guud ahaanna laba qodob oo mid waliba iskii u fasirmayo.”

Waxa uu guddoomiyuhu carrabaabay inay axaabta siyaasaddu ka doodi doonaan sidii meel laysula dhigi lahaa qabsoomidda doorashooyinka madax-tooyada iyo Baarlamaanka ee loo muddeeyey inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda, waxaanu yidhi, “Qodobka koowaad waxa weeye, haddii aanu Xisbiyada Qaranka nahay, inaanu ku heshiinno oo aanu go’aamo cad-cad ka gaadhno siiba doorashooyinka soo socda ee sannadka dambe 2015-ka ee ta Madaxweynaha iyo tii Baarlamaanka iyo Guurtida oo ku xigta oo iyana sharcigeedii dhiman yahay, inaanu ka soo saarno Xal aanu ku midaysannahay oo lagu wada-faraxsan yahay oo ah in doorashada wakhtigeedii Haddii Ilaahay Yidhaahdo aanu ku qabanno, wixii ay u baahan tahay ee hawlo ahna aanu sii dhammayno. Hawlaha horyaalaa way fara-badan yihiin, laakiin guud ahaan sidaasaanu qaaddannay.”

Waxa kale oo uu ka hadlay, “Qodobka labaad ee aanu ka doodi doonnaa waxa weeyi inaanu ka hadalno Ictiraaf raadintii iyo beesha Caalamka waxa kaga maqan Somaliland inaanu ka wada doodno. Muddo 20-sannadood ah oo dalkan adduunkana wax badan u taray, isaguna wax badan ka qabsaday Geeska Afrika oo uu kaligii in badan dedaallay, waxaanu isla aragnay inaanu adduunka wax badan ka tabanayno; inaanu wada-jir arrintaana u wada eegno oo ictiraafkeenii iyo wixii caalamka inagaga maqan aynu wada doonano inagoo qaran ah oo isku mid ah,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay inay saddexda Xisbi isugu iman doonaan kulan gogol-xaadh u noqon doona Doodda Qaran, “Waxaanu ku heshiinnay oo kale inaanu horta isku horayno Qolada Axsaabta oo aanu gogosha dhammayno, ka bacdina Dood Qaran oo Aqoonyahan, Waayo-arag iyo Qof kasta oo wax hayaaba arrintaasi wixii uu ka tari karo ka geysto, annaguna marka hore aanu gogol-xaadhka samaynayo saddexda Xisbi Haddaanu nahay,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.