Guddoomiyaha Kulmiye oo faahfaahiyey natiijasa Kulan ay Maanta yeesheen Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbigaasi

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay magacyadda xubnaha ay gudigga qaban-qaabadda xisbigaasi u doorteen maanta Hoggaankooda.

MUUSE

Sidaasna waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray. Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/12/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qabanqaabada ee shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar guddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Xasan Mowliid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka afraad Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxamuud.
Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoodii shaqo.”

Somalilandpost.net

Hargaysa