“Kulmiye haddii aynu nahay waxaynu nahay Xisbigii tallada dalka hayey , ololaheenu waa inuu ahaadaa mid Nadiifa oo aan Fawdo ahayn,” Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay taageereyaasha xisbigaasi inay dhawraan anshaxa iyo milgaha xisbigooda oo uu ku sifeeyay odayga axsaabta siyaasadda.

Muuse Biixi wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu maanta kula hadlayay magaaladda Hargeysa Taageereyaasha Murashax C/Raxmaan Abdeeq oo ka mid ah 25-ka murashax ee xisbiga KULMIYE u soo xulay golaha deegaanka Hargeysa.

Guddoomiyaha Kulmiye

“Kulmiye haddii aynu nahay waxaynu nahay Xisbigii tallada dalka haya, Xisbi waayeel oo waayo-araga ololaheenu waa inuu ahaadaa mid Nadiifa oo aan Fawdo ahayn,”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wuxuu intaasi ku daray, “Ciyaala suuq nimo, Buuq iyo Tuurtuuryo iyo cay midna aan lahayn dhalinyarada Kulmiye waa inay ku suntanaataa Akhlaaq wanaag.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwatay wuxuu intaas ku ladhay “Marka Magaaladda ay ka Ololaynayaan waa inay ka duwanaadaan axsaabta iyo ururadda kale.”

Md. Muuse Biixi waxa uu taageereyaashiisa ku guubaabiyay inay soo saaraan murashaxiinta xisbiga isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan u imid waxaan idinka doonaynaa hadDii aanu nahay Xisbul xaaakimkii Qof kasta oo halkan taagan iyo intuu gaadhi karo iyo intuu ka horayn karo inaad u codaysaan oo aad soo saartaan murashaxiinta xisbiga KULMIYE.”

Waxay ahayd maanta maalintii labaad ee xisbiga KULMIYE u lahaa kaltanka ololaha doorashada, waxaanay murashaxiinta iyo masuuliyiinta xisbigu Taageereyaashooda kula hadleen xafiisyadooda magaalooyinka dalka.

Somalilandpost.net