Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta ee Xiddigaha Geeska oo Hargeysa lagu xidhay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda uu gadh-wadeenka u yahay= Madaxweyne Silaanyo, oo muddooyinkii u dambeeyay ku mashquushay xadhigga saxaafadda iyo Fannaaniinta, ayaa maanta xabsiga dhigtay Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax).

Xasan_DhuxulGuddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), ayaa maanta ka soo degay Madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa  ka dib markii uu ka soo guryo noqday safar qaatay muddo  oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho oo isaga iyo affar xubnood oo kakooxda ka tirsani tegeen.

Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee xukuumadda Madaxweyne Silaanyo xadhigga ula miciinsatay fannaanka oo safarkiisu aanu wax siyaasad ah la xidhiidhin, isaguna aanu xil ka hayn dawladda.

Kooxda Xiddigaha Geeska, ayaa dhawaan Martu-qaad ka helay dalka Ustareliya oo shuruud uga dhigay imaatinkooda inay sitaan baasaboorka dawladda la aqoonsanyahay ee Somalia, maaadaama Somaliland aanay aqoonsi ka haysan bulshada caalamka, sidaas darteedna ay affar fannaan oo ka tirsan kooxda iyo Guddoomiyaha Xasan Dhuxul ugu baqoolleen magaalada Muqdisho.

Fanku ma leh xuduud, xadhigna ma gayo fannaanku, fannaanka Soomaaliyeed wuxuu xor u yahay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin inuu tegi karo.

Xigasho: Berberanews