Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Caasimadda oo isku khilaafay go’aan lagu eryayo 67 Shaqaale ah

[H]argeysa (SLpost) Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng: Xuseen Maxamud Jiciir iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Mawliid Waris ayaa khamiistii qalinka ku duugay in shaqada laga caydhiyo 67b qof oo ka mid ah shaqaalaha Dawladda Hoose maalin kadib markii ay Eryeen 43 kale oo ka horeeyay.

Go’aanka ay qaateen labada masuul ayaa waxa ka hor yimi oo diiday inuu la qaato Maayar ku-xigeenka Caasimadda Maxamed C/laahi Uurcade oo ka mid ah sadexda xubnood ee u qaabilsan fulinta Go’aamada ay Dawladda Hoose meel mariso marka laga hadlayo qoddobada la xidhiidha arrintan oo kale.

Go’aankan oo ahaa in khamiistii la dhaqangeliyo ayaa hakaday kadib markii ay isku mari waayeen meel marintiisa, hase yeeshee waxa la filayaa maanta oo Sabti ah in arrintaas mar kale la isku soo hor fadhiisan doono ama awood la isku sheegan doono oo la meel marin doono iyadoon loo baahan Maayar ku-xigeenka.

Eriga shaqaalahan Boqolka kor u dhaafay ee ay Masuuliyiinta Dawladda hoose toddobaad gudihii ku talaabsadeen ayaan la garanayn waxa ay daaran tahay, hase yeeshee si aanu xog dheeraad ah uga helno waxa aanu isku daynay Xogahayaha Dawladda Hoose Mawliid Waris inaanu wax ka weydiino hase yeeshee Telefoonkii ayuu ka jawaabi waayay.

Dhinaca kalena Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Mr: Uurcade oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaan isna jawaab rasmi ah naga siinin arrintan isagoo noogu jawaabay igu soo celiya markii danbena naga qaban waayay.

SLpost News/ Hargeysa/WMG