Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ku Wargeliyay Shaqaale Weynaha In Maalinta Sabtida Ay Fasax Yihiin

Haregysa, (SLpost)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland Maxamed Mixille Boqore oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku wargeliyay dhamaan shaqaale weynaha dalka in maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysay ay guud ahaan fasax yihiin.Gudd. Hay'adda Shaqaalah

Guddoomiyaha ayaa fasaxan shaqaalaha iyo guud ahaan hay’addaha kala duwan ee dawladda ku sababeeyay bilawga bisha May oo bari oo jimce ah kaw ah, balse maalinta sabtida ay shaqaaluhu ka nasan doonaan, shaqadii ay qaranka u hayeen. “Maalinta shaqaalaha adduunka oo sannadkan ku beegantay jimce, jimcuhuna waa fasaxa todobaadka ee shaqaalaha. Sidaa darteed waxaan shaqaalaha dawladda ee wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan             ku wargelinaynaa in maalintii 1-da May fasaxeedii aanu ugu bedelnay 2-da May oo sabtida ah. Maalintaana dhamaan shaqaalah dawladdu waa fasax Insha Allah.” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladdu.

Somalilandpos.net