Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Oo Dhexdhexaadin Ka Dhex Wada Shirgudoonka Wakiilada ee Is Farasaaray

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Hargeysa(SLpost)-Odayaasha golaha guurtida ayaa bilaabay dhexdhexaadin laga dhex wado guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa is faro saaray Baashe.

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebana Maxamuud Aadan ayaa labada dhinac la qaatay kulamo waxaanu warbaahinta u sheegay inay diyaar u yihiin inay heshiiyaan inta u dhimana ay guurti ahaan dhamayn doonaan.

Sida oo kale guddoomiye Saleeban waxa uu xildhibaanada u soo jeediyay inay is dajiyaan, khilaafkna aanay u arkin wax buuran, waxaana isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi“Inta dhacday gole kasta aduunka waligeed way ka dhici jirtay,waana mid laga Bogsan Karaa idinkuna waxan aad bul-qaasinaysaan iska daaya oo umada wixii run ah u gudbiya,wax jiraan majiraan khilaafna waligii ayuu dhici jiray waana iska dhamaan Doonaa.”

Waxa uu intaas kud aray gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan “Malabadan Oday ayaad sheegaysaa waar Labaduba way heshiinayaan,xildhibaanada labada dhinacna way heshiinayaan oo intaas qordoofaha ah ee timidna way ka heshiinayaan dhib kalena meesha mayaalo,go’aana way soo saari doonaan labadooduba inta u hadhay.”