Guddoomiyaha Guurtida Oo Xildhibaanno Ka Horjeeday Muddo Kordhintii Xukuumadda Amray In La Anshax-mariyo

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa guddida joogtada ah ee Aqalkaasi u gudbiyay anshax-marinta saddex mudane oo ka soo horjeedsaday Muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda talada haysa.Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali iyo Xildhibaan Mubaarik Axmed Jaamac.Warqadan oo uu guddoomiyuhu si toos ah ugu socodsiiyay guddida joogtada.
“Mudanayaal, Sidaad ka warqabtaan Golahu go’aan ayuu gaadhay uu ku ansixiyay Codkii ugu Badnaa Go’aankaasi oo la xidhiidhay muddo Kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 Ee Distuurka Qaranka,Sidaas Awgeed Mar hadii uu golahu go’aan gaadho waxa waajib ah in loo hogaansamo lana wada difaaco,Balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxa ay ku kaceen danbi kaasi oo ka horimanaya Go’aan gole iyaga Hadaba waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii golahu ka yeeli lahaa kana go’aan gadhaan”.

Allaa Mahad LehWarqada-guurtida