Guddoomiyaha Guurtida oo sheegay inaanay Cidi wali kala Dhex-galin Beelaha ku dagaalamaya Ceel-Afweyn iyo Kulmo laga yeeshay

Hargeysa (SLpost)- Fadhi uu saaka yeeshay Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa laga soo saaray baaq-nabadeed ku wejahan dagaal-beeleed mar kale shalay ka soo cusboonaaday deegaanka Ceelaf-Aweyn ee gobolka Sanaag.

 

Guddoomiye Saleebaan waxa uu golaha Warbixin ka siiyey Xaaladda degmada Ceel-Afweyn oo uu sheegay inuu wali ka socdo dagaal shalay ka bilaabmay qaybo ka mid ah deegaamo hoos yimaadda magaaladaas, iyadoo aanay jirin wax gurmad ah oo lagu deminayo dagaalka oo halkaas gaadhay.