Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Itoobiya iyo Dedaallo lagu xoojinayo Xasiloonida Ceelaf-Weyn

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Dalka Itoobiya ay saamayn taban iyo mid toganba ku leedahay Xasiloonida Somaliland, sidaas awgeedna ay tahay si dhow isha loogu hayo. Guddoomiyaha Guurtida ayaa ka hadlayey isbeddelka siyaasadeed ee dalkaas kaddib markii uu dhowaan iscasilay Raysalwasaarihii dalkaas.

Guddoomiye Saleebaan oo saxaafadda u warramay waxa kale oo uu ka hadlay heshiis iyo nabadeyn la dhex-dhigay beelo deris ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Ceelaf-Afweyn ee Gobolka Sanaag, waxaanu sheegay inay si midaysan looga hawl-galayo sidii loo xakamayn lahaa isku-dhex dambe iyo dagaal mar kale beelahaas ku dhexmara deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN