Guddoomiyaha Guurtida: Af-hayeen Xilkii Uu Hayay U Magacaabay Cid Kale

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta u magacaabay Af-hayeen cusub oo uu sheegay in golahaasi yeelan doono.INDHO-INDHO

Sida qaanuunnada caalamku dhigayaa guddoomiyeyaasha baarlamaannada adduunka, sidoo kale waxa loo yaqaan af-hayeenka goleyaashaas ama baarlamaanka (Speaker), iyadoo xilkan cusub ee uu guddoomiye Saleebaan u magacaabay  xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) uu noqonayo mid shaqada guddoomiyaha saamaynaysa, isla markaana sida sharciyan ah guddoomiyaha mooyee aanay cid kale af-hayeenka gole sharci dejineed ku hadli karin, marka laga yimaado xoghayaha golaha oo isagu hawsha ugu badan ee dhinaca farsamada haya.

Xilkan cusub ee guddoomiyaha golaha guurtidu u magacaabay xildhibaan Indho-indho ayaa ka dambaysay markii muddooyinkii u dambeeyay uu taagnaa khilaaf siyaasaddeed oo ka dhashay muddo kordhin ay dhawaan golahaasi u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiillada, taasoo uu xildhibaanka af-hayeenka loo magacaabay si adag u difaacay khilaafka ka dib, isla markaana uu xilkan aan sharciga meel-na kasoo galin uu ku helay.

Haddaba Xildhibaan Indho-indho oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha guurtida Somaliland. Sidaa waxa uu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ku sheegay war-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay kaasoo u qornaa sidan:-

Ku:- Dhamaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamuuriyada somaliland

ku:- Dhamaan Saxaafadda Somaliland

Ku:-Magacaabis

Waxaan La socod Siinaynaa Dhamaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamuuriyadda Somaliland,Saxaafadda iyo Cidkasta oo ay khusayso,in laga bilaabo maanta oo bishu tahay 07/6/2015 loo Magacaabay Afhayeenka Golaha Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xassan indho-indho oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland”

Somalilandpost.net